Midowga Wakiilada Duuliimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliyeed oo War Saxaafadeed soo saaray (Daawo Sawirada)

Munaasabad lagu soo dhaweynayay mowqifka Wasaarada Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ee xamlooyinka Xajka sanadka 2019 oo ay soo qabanqaabisay Ururka Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliyeed ayaa ka dhacay Hotel Safaari ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda oo ay kasoo qeybgaleen Mas’uuliyiin ka kala socotay Shirkadaha Duulimaadka, Shirkadda Diyaaradaha iyo ganacsatada Soomaaliyeed ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha Xajka sanadkaan ,ayagoo ugu baaqay Wasaardda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta in ay xamlooyinka Xajka ku bixiyaan hab cadaalad ah Isla markaana lagu qanci karo.

Midowga Wakiilada Duuliimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa ugu dambeyn War Saxaafadeed iyo baaq ku socda Dowlada Soomaaliya iyo Shirkadaha diyaaradaha soo saartay.

Halkan ka Akhriso War Saxaafadeedka


Sidaaan la socono XAJKA wuxuu soo maray xaalado kala duwan taas oo mar walba SATTA ay soo gudbiso heerka Xajka uu ku sugnaa sanooyinkaas, haddaba sanadkaan 2019 Xajka SATTA waxay idiinsoo gudbineysaa meesha uu maraayo qabanqaabada howlada Xajka.

WARSAXAFADEED KU SAABSAN ARRIMAHA XAJKA 2019
XAALADDII XAJKA SANADKII TEGAY 2018

Sanadkii tegay waxaa jiray in Xajka loo ogoladey in ay soo xajisiiyaan shirkado kooban shirkadahaas oo gaarayay 5 shirkadood qaarkood xajka horey uga shaqayn jireen qaarna sanadkaas lagu soo daray arinkaas oo ay qooneysay wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta DFS, in kasta oo SATTA ay la socotay wixii dhacay sanadkaas iyo shirkadihii sanadka aan si aan wanagsaneyn ugu qidmeeyay xujeydii somaaliyeed ee ay qaadeen, haddaba sanadkaan sidee wax noqon doonan

HADABA MIDOWGA DUULIMAADKA IYO DALXIISKA SOMALIYED EE SATTA WAXA AY IDIN SOO GUDBINAYAN BAYAANKA XAJKA SANADKAN 2019

Sida aad la socotaan sanadkaan xajka wasaarada diinta iyo owqaafta waxa ay go,aamisay in ay tartaman dhamaan shirkada Somaliyeed ee awood buuxda u leh inay ka shaqeeyaan xajisiinta xujeyda somaliyeed

Hadaba hadii ay sidaas tahay xajkuna yahay tartan furan SATTA waxa ay ka digeeysaa xujeyda soomaaliyeed in aan loo taagin gacan mugdi ah oo aysan dhicin in shirkado aan awood u lahayn inta lasiiyo xajka aan dadka la dayicin oo aysan dhicin in la waayo dhamaan qidmeeyntii uu u baahnaa qofka xaajiga ah ee sanad dhan u soo diyaar garoobayay in uu soo cibaadeysto.

DIYAARADAHA

Sanadkaan xajka waxaa u diyaarado badan in ay xujeyda u qaadan, diyaaradahaas SATTA waxa ay ka codsaneysaa in ay adeeggooda hagaajiyaan, dadka in aan la cadibin, SATTA waxa ay u taagantaahay xaquuqda dadka xujeyda somaaliyeed waxa aan loo dulqaado doonin in qof iska qaado qof xaaji ah meelna uga tago sidaa daraadeed shirkad walba oo xajka qaada waa in ay siwanagsan ugu khidmeyso xujeyda iyada oo ka fiirineysa dhinac walba.

SHIRKADA

Sidoo kale SATTA waxa ay shirkadaha ku guuleysta in ay daabulaan xujeyda somaaliyeed ugu baaqeeysaa in ay hagaaajiyaan dhamaan adeegyada ay qaban doonan sida hotelada ,mino, mustalifa, ,basaska, cuntada, caafimaadka IWM.

DOWLADA

SATTA waxa ay dowlada soomaaliya qaasatan wasaaradda awqaafta iyo diinta ka codsaneysaa In aan xajka la siyaasadeyn loogana shaqeeyo si daacadnimo, karti isxilqaan ku jirto maadama xajku yahay rugni diini ah lagana fogaado in la siiyo qof walba oo waraaqo soo madmadoobeeya ama xildhiban wasiir keena oo aan lagu maslixin.

SATTA waxa ay taqaanaa shirkada xajka ka shaqeeyo iyo shirkada aan xajka ka shaqeeyn 28 sano la soo dhaafay xujeyda somaliyeed waxaa soo xajisiinayay shirkado iyo xamlooyin macruuf sidaa darted satta waxa ay codsaneysaaa dowladu in ay fiiro gaar ah ulahaato shirkadaha ay siin doonto u qidmeynta xujayda somaliyeed

F.G ,SATTA waxa ay diyaar u tahay wax walba oo tallo bixin ah oo ku saabsan arimaha xajka iyo diyaaradaha.

MAHADSANIDIIN
WABILAAHI TOWFIIQ

Gudoomiyaha SATTA
Mudane: Ali Ahmed Farah
__________________



Leave a Reply