Imaaraadka Carabta oo qalab caafimaad ku wareejisay DFS

Diyaarad sida Gargaar Caafimaad ayaa maanta waxaa ay ka soo degtay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, taasi oo ka timid dalka Imaaraadka Carabta.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Gargaarka Caafimaad ugu deeqday dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana gargaarka ku jira qalab Caafimaad, sida daawo iyo agab kale ee looga hortago Cudurka halis ah ee Coronavirus.

Wasiirka Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa Imaaaraadka kala wareegtay qalabkaas muhiimka ee loogu deeqay dowladda federaalka soomaaliya, iyadoona ugu mahadcelisay dowladaas.

Soomaaliya ayaa xiligan waxaa ka jira cudurka Corona Virus oo saameyn ku yeeshay dad aad u fara badan



Leave a Reply