Maamulka Gobolka Banaadir oo daahfuray Dalxiiska Degmada Dharkeynley

Gudoomiyaha Degmada Dharkenley iyo Agaasimaha Dalxiiska & Maalgashiga Gobolka Banaadir ayaa maanta daah furay Dalxiiska Degmada Dharkenleey Markii ugu horeesay Dalxiis loo tagay maanta.

Agaasimaha Dalxiiska iyo Maalgashiga Gobolka Banadir Mudane Abdifatah Moxamud Siyad (Arizona) ayaa sheegay in Degmadaan ay maanta ka dib ay door muhiim ah ka qaadan doonto Dalxiiska Caasimada, maadaama ay leedahay Goobo Dalxiis oo soo jiidasho leh.

Gudoomiyaha Degmaga Dharkenley Mudane Guhaad Sheikh Xassan oo ugu danbeyn ka hadlay Munaasabada Daahfurka Dalxiiska Degmada ayaa sheegay in maanta waxii ka danbeeya Dalxiiska Degmadu uu mid noqon doono shaqooyunka joogtada ah ee Maamulka, Waxaana uu bulshada Caasimada ugu baaqay in ay u soo dalxiistagaan Dharkenleey oo ah Meel ku Wanaagsan Dalxiiska.



Leave a Reply