Ururka SATTA ayaa Shahaado sharaf gudoonsiiyay Shirkadda Turkish Airlines

Iyadoo lagu gudajiro labada todobaad ee Dalxiiska Soomaaliya iyo Aduunka 13 Sep, 2020 iyo 27 Sep, 2020 ayaa wuxuu Ururka Midowga Duulimaadla iyo Dalxiiska Soomaaliya (SATTA) gudoonsiinayaa Shahaado sharaf Shirkadihii iyo Hotel-dii ka qeybqaatay fududeynta iyo horumarinta Dalxiiska Soomaaliya.

Madaxa Shirkadda Diyaraadda Turkish Airlines Md, Abubakar ayaa la gudoonsiiyay Shahaado sharaf uu ku muteystay howl-karnimadiisa iyo garab istaagga uu u muujiyay Ururka Midowga Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliyeed taas uu gudoonsiiyay Gudoomiyaha SATTA Mudane Cali Axmed Faarax

Sidoo kale waxaa Shahaado sharaf lamid ah la gudionsiiyay Saraakiil kale oo ka tirsan Turkish Airlines.

Ururka SATTA ayaa inta lagu jiro labada todobaad ee Dalxiiska Soomaaliya Somalia Tourism Day (STD) iyo kan Aduunka World Tourism Day (WTD) gudoonsiin doono Shirkado diyaarad iyo Hotelo ka qeybqaatay horumarinta Dalxiiska Soomaaliya sida uu sheegay Gudoomiyaha SATTA.

SATTA.



Leave a Reply