Shirka wadatashiga Hey’adaha ka howlgala Irdaha Dalka laga soo galo.

Gudoomiyaha Ururka Midowga Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliyeed Mudane Cali Axmed Faarax (Fahli) ayaa ka qeyb-galay Shirka ku saabsanaa Wada-shaqeynta Hey’adaha ka howlgala xuduudaha dalka.

Shirkaan ayaa lagu falanqeeyay sidii iskaashi wadareed ay u yeelan lahaa Hey’adahaas ugana hortagi lahaayeen arimaha laxiriira Dambiyada Abaabulan iyo tahriibinta sharci darada ah.

Wasiiru-dowlaha Amniga gudaha oo Shirka furay ayaa sheegay in la mideeyo Shaqada ay hayaan Hey’adahaas ka howlgala xuduudaha dalka.

Ururka Midowga Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliyeed ayaa dowr muhiim ah ku leh wadashaqeynta Hey’adaha ka howlgala Guud ahaan Garoomada dalka.



Leave a Reply