Ururka SATTA oo Soo dhaweeyay habka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta u maamukeyso arrimaha Xajka

Ururka Midowga Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliyeed waxay soo dhaweynayaan habka ay u dhigtay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta in ay u maamulaan arrimaha Xajka sanadkaan 2019.

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa sheegtay in sanadkaan Arrimaha Xajka ay noqon doonto qaab Xamla ah, taas oo ah qaabka ugu fiican oo loo xajin karo isla markaana muwaadiniinta Soomaaliyeed ee xajinaya u sahlaya in ay waajibaadka Alle u gutaan si sahlan.

Sidaas darteed Ururka SATTA waxay Wasaaradda ka codsanayaan in Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta tixgaliso Shirkadihii duruufaha adag kusoo shaqeeyay labaatankii sano ee lasoo dhaafay ee kaalin mug leh ku lahaa in halkaan ay wax soo gaaraan.

Ugu dambeyn Ururka SATTA waxay kulan wada-tashi ah iyo is wareysi u qaban doonaan Shirkadaha Duulimaadka ee ku midoobay Ururkaan SATTA iyo Shirkadaha Diyaaradaha ka shaqeeyaan arrimaha Xajka.



Leave a Reply