- April 23, 2019
- Posted by: satta
- Category: News

Munaasabadda lagu soo dhaweynayaan mowqifka Wasaarada Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ee xamlooyinka Xajka sanadka 2019 oo ay soo qabanqaabisay Ururka Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliyeed ayaa ka dhacay maqnta Hotel Safaari ee Magaalada Muqdisho.
Munaasabadda oo ay kasoo qeybgaleen Mas’uuliyiin ka kala socotay Shirkadaha Duulimaadka, Shirkadda Diyaaradaha iyo ganacsatada Soomaaliyeed ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha Xajka sanadkaan ayagoo ugu baaqay Wasaardda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta in ay xamlooyinka Xajka ku bixiyaan hab cadaalad ah Isla markaana lagu qanci karo.
Gudoomiyaha Ururka Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliyeed Mudane Cali Axmed Faarax ayaa carabka ku adkeeyay in Wasaaradda ay siiso xamlooyinka Mas’uuliyiin u qalma qabashada waajibkaas ayna iska siinin cid aan la ogeyn meesha ay joogto.
Gudoomiyaha gudiga Diyaaradaha Mudane Xasan Xaaahi oo Munaasabadda kahadlay ayaa garab istaagay Ururka SATTA Isla markaana cadeeyay in ay lashaqeynayaan Ururka Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliyeed.
Bankiga IBS ayaa isagana soo bandhigay adeegyo ay sanadkaan ugu talagaleen Xujeyda sanadkaan aadeyso Xajka Gudoomiyaha Bankiga oo kahadlay meesha ayaa sheegay in ay Bank Account-kooda isticmaali doonaan ayaga oo xajinaya.
Xilibaan Cabdicasiis dhagaqoor oo Munaasabadda oo xiray ayaa kahadlay balan qaadayna in Madaxda Dowladda uu gaarsiin doono fariinta Ururka SATTA.