- May 15, 2019
- Posted by: satta
- Category: News

Waxaan bishaaro hawada usoo marinaayaa umadda soomaaliyeed in sanadkaan xujayda somalidu ay xajin doonaan xaj degan oo lamid ah kan muslimiinta caalamku xajiso.
Haddaba maxaa sanadkaan is bedelay?
waxaa is bedelay arimaha soo socda.
1-Madaxda Wasaaradda diinta iyo owqaafta wasiir sh nuur wasiir dowlaha dr c/xakiim iyo wasiir kxg ustaad dhuubow iyo agaasimaha guud cumar faaruuq iyo madaxa xajka Eng. Xamadi oo si isku duubni ah shaqada u wajahay waqti munaasabana bilaabay.
2– Madaxda sare ee qaranka oo u gacan baneysay wasaaradda shaqadeeda kuna xoojisay xubno ka socda culumada,ganacsiga iyo ururada bulshada si loo ilaaliyo daahfurnaanta iyo caddaaladda.
3–Iyadoo markii ugu horeysay loo furay shirkadaha ka shaqeeya arimaha xajka iyo cumrada tartan daah furan ayaa waxaa soo dalbaday shirkado ka badan 80-tan shirkadood oo intooda badan khibrad durugsan u leh howlaha xajka iyo cumrada gudaha iyo dibadaba.
4–xajka waxaa laga dhigay qaabka xamalaadka oo ah kan ugu habboon oo ayku xajiyaan muslimiinta caalamku oo ah in xamladu qaado tiro xujay ah oo kooban oo ay si wanaagsanna ugu khidmeyso.
5–waxaa markii ugu horeysay bilaaban doona in shirkado caalamiya oo dowlado leeyihiin iyo kuweeni hore ay ku tartami doonaan iney toos xaajiga uga qaadaan somaaliya una geeyaan madiina iyo jiddah si looga maarmo taransidkii dhibka badnaay sidii dhacday sanadkii hore.
Haddaba anagoo rejeyneyna in isbuucaan dhexdiisa aan shaacin doonno shirkadihii ku guuleestay iyo saamiyadooda ay heleen ayaan ALLAH weydiisaneynaa inow noo fududeeyo howshaan diiniga ah oo ay waajibtahay in aan la siyaasadeyn.