- July 2, 2019
- Posted by: satta
- Category: News
No Comments

Gudoomiyaha Ururka Midowga Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliyeed (SATTA) Mudane Cali Axmed Faarax ayaa bilad sharaf gudoonsiiyay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar).
Wasiirka ayaa ku muteystay bilad sharaftaan sida howl-karnimada laheyd ee uu isugu howlay sidii uu dib ugu soo celi laha hawada Soomaaliya oo ugu dambeyn gacanta Dowladda Soomaaliya soo gashay.
Sidoo kale wasiir Oomaar iyo Ururka SATTA ayaa dadaal dheeri ah ku bixinaayo sidii ay usoo celin lahaayeen IATA-da Somaaliya.
IATA ayaa ah Hey’ad caalami ah oo matasha Shirkadaha Diyaaradaha Caalamka, ayadoo wasaarada iyo Ururka Satta iska gaashan doonaan sidii ay dib ugu soo laaban laheyd Soomaaliya.