- August 29, 2019
- Posted by: satta
- Category: News
No Comments

Diyaaradda Uganda Airlines ayaa maanta duulimaadkeeda tooska ahaa ka bilaabaysa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Munaasabadda lagu daahfurayo ayaa waxaa ay maanta ka socotaa Garoonka diyaaradaha ee Aadan ee Magaalada Muqdisho.
Madax ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwa Shirkadda Uganda Airlines iyo qaar ka mid ah safiirada dalalka Caalamka u fadhiya Soomaaliya ayaa haatan ku sugan Garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee Muqdisho, iyadoona saacadaha soo aadan la filayo in Diyaarada Uganda Airlines Maanta kasoo degto Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.