Xafladda Furitaanka Uganda Airlines Muqdisho lagu qabtay

Xaflad furitaanka Shirkadda Uganda Airlines oo ay soo qabanqaabiyeen Ururka SATTA iyo Shirkadda Diyaaradda Uganda Airlines ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Xafladda furitaanka Shirkadda ayaa waxaa kasoo qeybgalay Mas’uuliyiin ka kala socda Ururka Modowga Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliyeed (SATTA) iyo Shirkadaha ku bahoobay Ururkaas.

Masu’uuliyiinta Light Travel oo wakiil uga ah Uganda Airlines Soomaaliya ayaa goobta ka sheegay in ay si dhaw ula shaqeynayaan Shirkadaha Duulimaadka ka shaqeeya (Travel Agencies) isla markaana ka cadeeyay meesha in Uganda Airlines ay todobaadki sameyn doonto 4 Duulimaad.

Sabti, Axad, Talaado iyo Khamiis.

Ugu dambeyn waxaa soo kordhaya Shirkadaha Caalamiga ah oo ka howlgalaya Soomaaliya gaar ahaan Caaasimadda Muqdisho.



Leave a Reply