Hey’adda Duulista Rayidka ee Caalamiga (International Civil Aviation Organization)

Hey’adda Duulista Rayidka ee Caalamiga (International Civil Aviation Organization) waa hayad khaas u qaabishan Qaramada Midoobay Gaadiidka Diyaaradaha Rayidka ah.

Astaanta ururkan waa I C A O oo laga soo gaabiyay magaca. Waxaa la sameeyey 4 Abril, 1947 waxaa xarunta ugu wayn ee ku taalaa wadanka Kanada, shaqadeeduna waxa ay tahay habaynta iyo isku dubaridka howlaha duulimaadyada si looga nabadgalo dhibaato ka dhacda howlaha duulimaadyada.

ICAO Waa afar xaraf oo laga soo qaatay (International Civil Aviation Organization). Dhamaan garoomada caalamka ayaa loo isticmaalaa. ururku waxa uu qabtaa ama uu ku shaqaleeyahay isusocodka diyaaradaha aduunka ee iskaga gooshaya xuduudaha iyo ka hortagga wixii qalad ah iyo baaritaanka marka ay dhacdo dhibaato la xiriirta dulimaad.

Astaanta ICAO iyo IATA

IATA waa eraya lasoo gaabiyey ee ah (International Air Transport Association) oo ah iyana hay’adda ku shaqada leh diyaaradaha aduunka iskaga goosha ama shirkadaha leh ayaa ku midoobay.

ICAO iyo IATA

Waxaa iyagana looga dambeeyaa arimaha duulimaadka shibilka ah, waxa ayna leeyihiin calaamado farabadan aduunka meel kasta oo uu ku yaal Garoon caalami ah tusaalo ahaan Soomaaliya Garoonka Muqdisho afar eray oo lasoo gaabiyey ee utaagan ICAO iyo sedex eray oo lasoo gaabiyey oo utaagan IATA ahna shirkadaha diyaaradaha tusaalo ahaan:-

IATA: MGQ

ICAO: HCMM



Leave a Reply