Shirkadda diyaaradda Hindiya ayaa bilowday Duulimaad aan joogsi laheyn oo ay ku tageyso Nayroobi oo ka bilaabanaayo 27, November, 2019.

Shirkadda diyaaradda Hindiya ayaa bilowday Duulimaad aan joogsi laheyn oo ay ku tageyso Nayroobi oo ka bilaabanaayo 27, November, 2019.

Diyaaradda Qaranka Hindiya ayaa ku dhawaaqday in ay bilaabeyso duulimaad ay ku tageyso Dalka Kenya, Diyaaradda Hindiya waxay ka howlgaleysaa Mumbai to Nairobi.

Iyadoo loo eegaya xamuulka diyaaradda, duulimaadka wuxuu noqon doonaa mid aan joogsi laheyn illaa Neyroobi, iyadoo ay dadka doonaya duulimaadkaasi ay ka jaran karaan Website-ka Diyaaradda Hindiya.

Duulimaadka wuxuu noqon doonaa Todobaadkii afar jeer oo kala ah:

  • Talaado
  • Arbaco
  • Jimco
  • Axad.

Duulimaadka Mombai ilaa Nairobi waxay ka duuli doontaa Mombai sacaadda marka ay tahay 6:25 am, waxay ka dagi doontaa Caasimadda Nairobi saacadda marka ay tahay 10:00 am. Laabashadeeda waxay Nairobi ka duuli doontaa 12:00 am waxayna Mumbai gaari doontaa saacadda markay tahay 8:40 pm.

Muwadiniinta Soomaaliyeed ee u safraya Dalka Hindiya ayay ka caawin doontaa duulimaadyada ay sameyneyso Shirkadda Diyaaradda ee Hindiya, ayagoo ka jaran doono Ticket-yada diyaaradda Website-ka Diyaaradda.

 



Leave a Reply