Munaasabad ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka soomaaliya ayaa maanta shahaado sharaf gudoonsiisay Ururka SATTA

Munaasabad ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka soomaaliya ayaa maanta shahaado sharaf gudoonsiisay Midowga Wakiilad Duulimaadka iyo Dalxiiska soomaliyeed (SATTA) iyagoo ku muteystay shaqadii adkeed oo aay ka qabateen Arimaha Xajdka sanadkaan 2019.

Shahaada sharafta la siiyay Ururka Midowga Wakiilada Duulimaadla iyo Dalxiiska Soomaaliyeed ayaa ku muteystay sida isku xirka iyo hormarka laheyd uu Ururka uga howlgalay sidii ay Xujeyda Soomaaliyeed ugu guteen Acmaasha Xajka sanadkaan.

Munaasabadda ayaa lagu sheegay in sanadka soo socda (2020) la qorsheeyay in qaladaadkii yaraa sanadkaan dhacay laga baran doono cashir, lagana filaayo Ururka Satta inay wax badan kusoo kordhin doonaan Xajka sanadka soo socda.

Ugu dambeyn Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Md, Cusmaan Aadan Dhuubow ayaa gudoonsiiyay Shahaada sharafta ururka Satta isagoo ka gudoomay Gudoomiye ku xigeenka Satta Mudane Maxamed Abuukar Maxamed.



Leave a Reply