- December 23, 2019
- Posted by: satta
- Category: News
No Comments

Midowga Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska soomaaliyeed iyo Agaasimaha guud ee Hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda soomaaliya ayaa kulam ku yeeshay manata magaalada muqdisho.
Kulanka ayaa la isaga xog wareysanayay arimaha ku saabsa socdaalka dalka maadaama ururka SATTA uu wakiil ka yahay shirkadaha ka shaqeeya safarka iyo dalxiiiska soomaaliya.
Kulanka mas’uulyiinta ayaa looga hadlay sidii looga hortagi lahaa socdaalada sharci darada ah iyo tahriibka
Ugu dambeyn madaxda ayaa isku afgartay inay kawada shaqeeyaan hormarka dhanka socdaalma iyo sidii iskaashi dhab u wada yeelan lahaayeen.