- March 21, 2020
- Posted by: satta
- Category: News

Ururka Midowga Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliyeed (SATTA) ayaa uga mahadceliyay sida garowshiyaha leh ee dowladda federaalka ugu damqatay muwaadiniinteeda ku xanniban Garoomada caalamiga ah.
Dowladda ayaa fasaxday mudo laba cisho ah duulimaadyada caalamiga ah taas ay uga gol-leedahay sidii ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ugu soo laaban lahaayeen wadanka. Sidoo kale dowladda ayaa sheegtay in wadanka uusan soo gali karin xamuul aan aheyn Daawo iyo Raashiin.
Gudoomiyaha Ururka SATTA Mudane Cali Axmed Faarax oo mar sii horeysay lahadlay warbaahinta Somali Cable ayaa ugu baaqay dowladda inay u dhimriso muwaadiniinta ku sugan garoomada caalamiga si ay usoo gaaraan wadankooda, iyadoo dowladdu qaatay talooyinka ay soo jeediyaan Ururka Satta.
#SATTA