- March 27, 2020
- Posted by: satta
- Category: News

Xubnaha ugu sareeya Ururka Midowga Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliyeed (SATTA) ayaa yeeshay Kulanka sanadlaha ah ee Ururka.
Guddiga fulinta ee Ururka Midowga wakiilada duulimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliyeed (SATTA) ayaa warbixin ka siiyay Boorka Ururka waxyaabihii u qabsoomay sanadkii tagay (2019) iyo caqabadihii ku horgudbanaa.
Madaxda Ururka Satta ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ay Guddiga fulinta soo qabteen iyo hormarka la taaban karo oo ay gaarsiiyaan mudada koobneyd ay xilka haayeen iyagoo sidoo kale sheegay in sanadkaan bilowgiisa Guddiga fulinta qabteen munaasabaddii ugu horeysay oo aheyd Bandhigga Safarka iyo Dalxiiska Soomaaliya (SOMTEX) ayna si sanadla ah u qaban doonaan sanadaha soo socda.
Ugu dambeyn Mas’uuliyiinta Ururka Satta ayaa shahaadooyin gudoonsiiyeen Guddiga Boorka taas oo muujineysay Shaqo wanaagga iyo wadashaqeynta joogtada aheyd ay lahaayeen Guddiga Fulinta iyo iyo Guddiga Boorka Ururka Midowga Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliyeed.