Mas’uuliyiinta Ururka SATTA iyo Shirkadda Diyaarada Tyrkish oo kulmay Maanta

Guddiga fulinta Ururka Midowga Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliyeed (SATTA) ayaa kulan la yeeshay Shirkadda Duulimaadka Turkish Iyagoo kawada hadlay arimaha Safarka iyo Dalxiiska Soomaaliya.

Madaxda Shirkadda Turkish Airlines ayaa bogaadiyeen hormarada Safarka iyo Dalxiiska Soomaaliya taas oo ay kaalin muhiim ah uu ka geystay Ururka SATTA iyadoo sanadihii u dambeeyay uu Ururka SATTA ku howlanaa sidii loo hirmarin lahaa Duulimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliya.

Ugu dambeyn Mas’uuliyiinta Ururka Midowga Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliya iyo madaxda Shirkadda Turkish Airelines ayaa isla qaatay in ay so wadajir ah uga wadashaqeeyaan hormarka Duulimaadka iyo Dalxiiska, iyagoo si dhaw isula shaqeyn doono xogaha ku saabsan hormarada sfrkana wadaagi doono.



Leave a Reply