Turkiga oo albaabada u furay 31 dal oo loogu talagalay in ay caafimaadka u yimaadaan dalka Turkiga.

Turkiga oo albaabada u furay 31 dal oo loogu talagalay in ay caafimaadka u yimaadaan dalka Turkiga.

ANKARA

Turkiga ayaa aqbali doona bukaannada ka kala socda 31 dal laga bilaabo 20 May maadaama ay xayiraad saarneyd safarada ka imaanaya, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee dalkaasi.

Warqad rasmi ah oo ka soo baxday wasaaradda ayaa ku xusan shuruudaha aqbalaadda bukaanka, soo gelitaanka waddanka, isbitaal gelista, daaweynta, ka bixitaanka iyo xeerarka go’doominta.

Wadamada waxaa ka mid ah Ciraaq, Liibiya, Azerbaijan, Georgia, Turkmenistan, Uzbekistan, Kazakhstan, Greece, Ukraine, Russia, Djibouti, Algeria, Kosovo, Macedonia, Albania, Bosnia iyo Herzegovina, Romania, Serbia, Bulgaria, Moldova, Somalia, Kuwait, Qatar , Baxrayn, Cumaan, Jarmalka, Ingiriiska, Netherlands, Pakistan, Kyrgyzstan, iyo Jamhuuriyadda Turkiga ee Waqooyiga Qubrus.

Haddii uu ka jiro wadankooda COVID-19, bukaannada waxaa looga baahan yahay inay iska baaraan COVID-19, 48 saacadood ka hor safarkooda oo ay la socdaan warqadda natiijada baaritaanka COVID-19.

Kaliya shakhsiyaadka aan qabin COVID-19 ayaa dalka laga aqbali doonaa.

Markii ay soo galaan Turkiga, bukaannada iyo kaaliyeyaashooda waxaa si toos ah loo geyn doonaa isbitaalka halkaas oo ay ku leeyihiin ballan oo aan lagu dejin doonin meel kale.

Xogasho: Wakaaladda Anadolu Agency



Leave a Reply