- May 26, 2020
- Posted by: satta
- Category: News

Duulimaadyada gudaha ee Hindiya ayaa la qorsheynayaa in ay dib u bilaambaan Isniintaan soo socoto, maadaama ay xayiraadda ku meel gaar aheyd shaqeynaysay tan iyo 22-kii Maarso.
Dawladda ayaa hadda u oggolaanaysa shirkadaha duullimaadyada ee dalka Hindiya inay ku shaqeeyaan saddex meelood meel jadwalka duullimaadyadooda, taas oo soo afjaraysa laba bilood oo xirnaanshaha duulimaad ee waddanka Hindiya gudihiisa ah.
Hey’adda duulista dalkaasi ayaa hirgelisay dhowr xayiraad iyo qawaaniin dheeri ah, oo ay ku jiraan tilmaamaha caafimaadka oo ay ku kala duwanaan karaan Maamulada ka jiro dalkaasi, iyadoo ku xiran gobolka iyo dowladaha hoose, kuwaa oo badankood aan wali la caddeyn. Dhamaan gobolada India waxay leeyihiin fursad ay ku go’aamiyaan qawaaniintooda u gaarka ah. Waxaa jiray doodo bilow ah oo ku saabsan goorta xayiraadda la qaadi doono iyo tallaabooyinka la qaadi doono ka dib markii dhowr Gobol ay ka soo horjeesteen dib u bilaabidda duulimaadyada hawada.
Waxa kale oo la dejiyay qiime si looga hortago in shirkadaha duullimaadyadu ku dallacaan qiima ka sarreeya qiimaha caadiga ah, iyadoo la doonayo in la sameeyo guddi ku-meel-gaar ah maadaama safarradii loo oggolaaday inay mar kale duulaan.
Markii la joojiyay safarka hawada ee dalka Hindiya ayaa marka hore la shaaciyey, waxaa loogu talagalay in lagu yareeyo faafitaanka Coronavirus. Si kastaba ha noqotee, dib u bilawga duulimaadyada maxalliga ah ayaa imanaya xilli tirada kiisaska maalinlaha ah ee la soo sheegay ee ‘Covid-19’ ay sare u sii kacayaan waddanka laga soo bilaabo 25-ka May.
Hindiya waxay ka mid tahay tobanka waddan ee ugu badan ee ay dhibaatadu saameysey adduunka, iyadoo lagu saleynayo tirada guud ee kiisaska la xaqiijiyay.