Dubai waa furantahay Soomaaliya maxaa heysto

Dubai waa furantahay.

Emirates ayaa sheegtay in ay soo dhaweynayaan dadka booqanaya Dubai laga bilaabo 7 Luulyo, 2020, iyadoo xusid mudantahay in wadamo badan aya iyaguna fasixi doonaan duulimaadyada iyo dalxiiska bisha Luulyo ee soo socota.

“Waxaan diyaar u nahay inaan soo dhoweyno booqdayaasha Dubai laga bilaabo 7da Luulyo, oo aan u fududeyno safarka muwaadiniinta UAE, dadka deggan iyo dalxiisayaasha caalamiga ah, iyadii la dhowrayas baratakoolka nidaamka cusub ee duulista ee lagu dhawaaqay maalinimadii shalay.” Ayaa lagu sheegay barta Twitter-ka ee shirkadda Emirates.

Soomaaliya ayaa kamid ah dowladaha xayiraada safar soo rogay horaantii bishii Maarso, iyadoo ilaa hada ay xiranyihiin gabi ahaamba duulimaadyada gudaha iyo dibedda.

Hadaba Dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa looga fadhiyaa in ay culeyska ka qaado Dadka Soomaalida iyo ajaanibta isugu jiro ee ila hada ku xaniban dalka gudihiisa iyo Shirkadaha soomaaliyeed oo iyana ku xoolo iyo shaqo beelay inta lagu guda jiray xanibaadaha duulimaadyada dalka.

Ururuka Midowga Wakiilada duulimaadka iyo dalxiiska Soomaaliyeed (SATTA) wuxuu xilli walbo u taaganyahay in uu la qeybsado dhibaatada ka soo gaartay Shirkadaha Duulimaadka iyo safarka xanibaadaha dalka lagu soo rogay CoronaVirus dartiis taas oo ay uga jawaabeysay dowladda in uusan dalka ku faafin cudurkaas safmarka ah.

#SATTA



Leave a Reply