- April 16, 2019
- Posted by: satta
- Category: News

Munaasabad uu soo qabanqaabiyay Bangiga Caalamiga ah ee Soomaaliya (IBS Bank) ayaa waxaa kasoo qeybgalay masuuliyiinta Ururka Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliyeed iyo Shirkadaha Duulimaadka ee ku mideysan Ururka SATTA oo kadhacay Hotel Safaari ee Magaalada Muqdisho.
Bangiga Caalamiga ee Soomaaliya (IBS Bank) ayaa u soo bandhigay Ururka SATTA adeegyo muhiim u ah Shirkadaha ku midoobay Ururkaan iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha SATTA Mudane Cali Axmed Faarah oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in Bankiga IBS ay kala shaqeyn doonaan sidii ay u dhaxmari laheyd Wada-shaqeynta buuxda iyo in Bankiga IBS ay ka doonayaan in ka helaan damaanad buuxda si ay SATTA xiriir wanaagsan ula yeelato Ururada dhigeeda ah iyo Ururka IATA.
Madaxda Bankiga ayaa u balan qaadday Ururka SATTA in ay kala shaqeyn doonaan sidii ay qeyb uga qaadan lahaayeen hormarka Shirkadaha Duulimaadka iyo Dalxiiska ee ku midoobay Ururka SATTA.
Ugu dambeyn guddi farsamo ayaa loo saaray sidii looga miradhalin lahaa wada-shaqeynta ka dhaxeysa Ururka SATTA iyo IBS Bank.