- May 1, 2019
- Posted by: satta
- Category: News

Xaflad lagu daahfurayay Cumrada oo ay soo qabanqaabiyeen Ururka Midowga Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliyeed iyo Shirkadda Duulimaadka ee Keyway Travel Limited ayaa ka dhacay Maanta City Palace Hotel ee magaalada Muqdisho.
Madaxda Keyway Travel Limited oo kamid ah Board-ka Ururka SATTA ayaa sheegay in ay u adeegi doonaan shacabka Soomaaliyeed ee doonaya Cumrada sanadkaan 2019.
Xafladda Daahfurka Cumrada ayaa waxaa kasoo qeyb-galay masuuliyiihiin ay kamid yihiin Xillibaano iyo Wasiiro ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, golaha Fulinta ee Ururka SATTA, culimada ka shaqeysay Arimaha Xajka iyo Cumrada gaar ahaan Xamlooyinka iyo Marti-sharaf kale.
Bankiga IBS oo kasoo qeyb-galay Xafladda ayaa sheegeen in ay xisaab (Account) u furi doonaan dadka Cumrada iyo Xajka sanadkaan Isla markaan ay adeegsado karaan kaarka Bankiga IBS una fududeyn doonaan adeegyada uu bankiga bixiyo.