Diyaarad kuwa rakabka ah oo sidday 143 ruuc oo rakaab a ayaa habeenimadii xalay si nabad ah ugu dul dhacday wabiga Johnville ee gobolka Florida oo ka tirsan dalka Mareykanka
Diyaaraddaan oo nuuceedu ahaa Boeing 737,waxa ay ka timid dalka Kuba,iyadoo ku socotay Woqooyiga gobolka Folorida,mana jitro wax dhimasho ama dhaawac ah, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan maamulka Florida.
Madaxa Boliiska ee magaalada Jacksonville ,ayaa sheeegay in diyaaradaasi ay si nabad ah u dul sabeyneyso biyaha dushooda,isla markaana ay ka badbaaday in ay quusto ama ay tagto gunta hoose ee biyaha.
Ciidamada ammaanka, maraakiibta iyo kuwa gargaarka degdegga ah ayaa gurmad bini aadanimo u fidiyay dhibanayashii ka badbaaday shilka diyaaradaasi,waxaana illaa hadda socota baaritan la xiriira waxa sababay.
