Ururka SATTA oo Shir jaraaid ku qabtay maanta Magaalada Muqdisho

Gudoomiyaha Ururka Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliyeed (SATTA) Cali Axmed Faarax oo maanta shir jaraaid ku qabtay Xafiiska Ururka SATTA ayaa uga mahadceliyay madaxda sare ee Dowladda iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta XFS oo u saartay guddi arimaha xajka habka ay u maareeyeen Xajka sanadkaan 2019.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale la dardaarmay Shirkadaha ku guuleystay tartankii Xajka sanadkaan in ay ugu adeegaan Xujeyda Soomaaliyeed qaabka ugu wanaagsan, Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in lagula xisaabtami doono shirkadaha ka shaqeynaya Xajka habka ay u maareeyeen marka uu dhamaado Xajka.

Ugu dambeyn Tartanka loo galay sanadkaan arimaha Xajka ayaa waxaa ka qeybgalay 83 Shirkadood ayna ku guuleysteen 58 Shirkadood oo isugu jiro Shirkada Diyaaradaha iyo Shirkadaha Duulimaadka ka shaqeeyo.



Leave a Reply