- December 21, 2019
- Posted by: satta
- Category: News
Munaasabad xarigga oo laga jarayay Xafiiska cusub ee Midowga Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliyeed (SATTA) ayaa ka dhacday xarunta cusub ee ururka Satta.
Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qeybgalay Xubnaha Board-ka ee midowga wakiilada duulimaadka iyo dalxiiska Soomaaliyeed iyadoo gudigga Fulinta looga dhageystay kulankaasi waxyaabihii u qabsoomay sanadkaan (2019).
Gudiga fulinta ayaa ka warbixiyay guulaha ay gaareen iyo caqabadihii soo wajahay, sidoo kale gudiga ayaa soo bandhigay waxyaabaha u qorsheysan sanadka soo socda.
Ugu dambeyn munaasabadda xariga looga jaraayay Xafiiska cusub ee Ururka Satta ayaa waxaa ka hadlay gudoomiyaha Ururka Mudane Cali Axmed Faarax isagoo sheegay in Xafiiska cusub ee Uruurka SATTA dib u habeyn lagu sameeyay isla markaana adeegyadi looga baahnaa meeshiisa kasii wadi doono.
#SATTA
