- March 19, 2020
- Posted by: satta
- Category: News

Dowladda Soomaaliya ayaa 17-ka maarso, 2020 ku dhawaaqday laga bilaabo 19 Maarso 2020 aysan soomaaliya soo caga dhigan karin diyaaradaha caalamiga ah si ay uga hortago faafintaanka Cudurka Covid-19.
Maanta oo ay ku beegantahay maalinta ay ka bilaabaneyso xayiraadda duulimaadyada caalamiga ah ayaa waxaa fulay xayiraadii ay dowladda Soomaaliya kusoo rogtay duulimaadyada caalamiga ah. Xayiraaddaan ayaa timid kadib markii ay Dowladda ayaa shaacisay in Soomaaliya laga helay hal qof oo qabo cudurka Covid-19.
Caqabadaha ku xeeran xayiraadda duulimaadyada Caalamiga ah.
Sida lawada ogyahay dadka soomaaliyeed waa dad aad u safar badan sidaa darteed waxay saameyn weyn ku yeelaneysaa isu socodka dadka Soomaaliyeed ee ku kala xeeran daafaha caalamka gaar ahaan wadamada dariska ah. Waxaa jiro muwaadiniin Soomaaliyeed oo xiliga ay dowladda soo saartay xayiraadda duulimaadyada caalamiga ah ku sugan dalka dibaddiisa iyo gudaha isla markaana u jaranyahay Ticket-yadooda si ay dalka dib ugu soo laabtaan ama uga baxaan.
Muwaadiniinta qaarkood ayaa ku sugan wadamo badan oo caalamka ka tirsan iyagoo u joogo arimo caafimaad ama waxbarasho taas oo saameyn ku yeelatay kusoo guryano qoshadooda Soomaaliya xilli ay u jarnaayeen Ticket-yadooda inta lagu gudo jiro xilliga xayiraadda oo ah 15 maalmood. Sidoo kale waxaa qasaare la kulmaya Shirkadaha duulimaadyada ka shaqeeyo iyo kuwa diyaaradaha kuwaas oo jaray ticket-yada dadka ay saameysay xayiraadda duulimaadyada caalamiga ah.
Xayiraadda duulimaadyada caalamiga ah ayaa saameyn xoog badan ku yeelan doonto dhaqaalaha kasoo xaroon jiray duulimaadyada caalamiga ah, isla markaana si gaar ah u taaban doonto dhaqaalaha dowladda ka heli jirtay Duulimaadyada caalamiga ah oo ay ku jiraan diyaaradaha qaadka keeni jiray dalka maadaama dowladdu uga soo xarooto dhaqaale aad u fara badan.
Gudoomiyaha Ururka Midowga Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliyeed (SATTA) Mudane Cali Axmed Faarax oo shalay lahadlay Telefishinka Somali Cable ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo Xayiraadda Duulimaadyada caalamiga ah si looga hortago cudurka Covid-19, balse sheegay in dowladda Soomaaliya aysan ka fekerin muwaadiniinteeda ku maqan dibada isagoo intaas raaciyay in ay mudneed in waqti ku filan la siiyo muwaadininnta si ay dalkooda dib ugu soo noqdaan. Waxaa jiro Miwaadinijn badan oo iyana ay ka dhacayaan degenaansho ay ku leeyihiin wadamo kale taas oo keeneyso in waayi doonaan degenaanshaha ay ku leeyihiin wadamadaas.