Saameynta dhaqaale ee Shirkadaha Safarka iyo Duulimaadka Soomaaliya uu ku yeeshay caabuqa CoronaVirus (COVID-19)

Saameynta dhaqaale ee Shirkadaha Safarka iyo Duulimaadka Soomaaliya uu ku yeeshay caabuqa CoronaVirus (COVID-19)

Meelaha uu saameynta ku yeeshay:
1. Saameynta dhaqaale ee Shirkadaha Safarka iyo Duulimaadka (Agencies).
2. Saameynta ay ku yeelatay Shirkadaha Diyaaradaha.
3. Saameynta dhaqaale ee Xoogsatada ka shaqeysa Garoomada Dalka.

1) Saameynta dhaqaale ee Shirkadaha Safarka iyo Duulimaadka (Agencies)
Shirkadaha ka shaqeeya Duulimaadka iyo Safarka ee Soomaaliya ayaa waxaa saameyn weyn ku yeeshay xayiraadda safar ee dowladda Soomaaliya saartay guud ahaan duulimaadyada caalamiga iyo kuwa gudaha taas oo uu sababay Cudurka safmarka ah ee CoronaVirus (COVID-19).

Shirkadaha Safarka iyo Duulimaadka ayaa si maalinle ay u jari jiray Ticket-yada dadka socdaalayaasha ah taas oo keeni jirtay in ay sufraan meel kasta oo ay caalamka ka doonayaan. Shirkadahaan ayaa dhaqaalo ka sameyn jiray adeegga joogtada ahaa oo ay u hayeen bulshada isla markaana noloshooda ka maareyn jireen.

Soomaaliya waxaa ku yaalo in ka badan 360 (Sedex boqol iyo lixdan) Shirkadood, kuwaas oo si toos ah iyo dadban ugu xiran Shirkadaha diyaaradaha dalka ka howlgalo. Shirkadahaas ayaa soo wajahday dhaqaalo xumada ayaa waxaa ka howlgalo midiiba ku dhawaad 10 shaqaalo kuwaas oo noloshooda ka maareyn jiray mushaaraadka ay ka helaan shaqadooda. Sidoo kale Shaqaalahaas ayaa waxaa si toos ah iyo si dadbamba ugu dul noolaa qoysas fara bada oo noloshooda ku xirantahay in ay sii shaqeeyan Shirkadaha Safarka iyo Duulimaadka Dalka kuwaas oo la kulmay xariraadda safarka ee ka dhacday caalamka iyo gudaha dalka.
Shirkadaha Safarka ayaa qasaaray lacago aad u fara badan inta lagu guda jiray xayiraadda safarka ee soo wajahday caalamka taas oo keentay in ay qasaaraan in kabadan $9 Milyan (Sagaal milyan oo doolar). Sidoo kale Shirkadaha ayaa waxaa soo wajahday caqabado dhanka kirada xafiisyada ay ku jiraan taas oo culeys ku keentay in ay bixin waayaan qarashaadka kirada xafiisyada, ugu yaraan Shirakadaha Safarka (Agencies) ayaa ku kireysan jiray Xafiisyada lacag ku dhow $700 (Todoba boqol oo doolar) celcelis ahaan shirkadiiba iyadoo xusid mudantahay shirkadaha qaar ay intaasi ka badantahay lacagaha kirada bishii uga baxdo Xafiisyada ay ku shaqeeyaan.
Sida aan la socono Soomaaliya malaha IATA sidaa darteed Shirkadaha Soomaaliyeed ee ka shaqeeya Safarka (Agecies) waxay si toos ah ula macaamilaan Shirkadaha Diyaaradaha si ay u jaraan Ticket-ada Shirkadahaasi. Shirkadaha Safarka (Agencies) ayaa waxaa ay siiyaan Shirkadaha Diyaardaha lacag dabaaji ah oo u dhaxeyso $10,000 illaa $40,000 si loo aamino oo ay u sii jaraan Ticket-yada Shirkadaha Caalamiga ah ee Dalka ka howlgalo. Sidoo kale inta xayiraadda Safarka lagu guda jiray waxaa la kansalay ticket-yo fara badan oo ay jareen Shirkadaha Soomaaliyeed taas oo qeyb ka ah qasaaraha baahsan ee ku habsaday Shirkada Safarka Soomaaliyeed.

Hadaba si ay usii jiraan Shirkadaha Safarka (Agencies) oo aysan ugu dhicin bur bur waxaa lagama maarmaan ah in Dowladdu ay soo farogeliso dhaale xumada soo wajahday Shirkadahaasi maadaama Shirkaduhu ay ku tiirsanaayeen isu socodka Dalka gudihiisa iyo dibaddiisa. Sidoo kale in dowladdu u qorsheyso Shirkadahaasi dhaqaale ay ku kabeyso si ay uga gudbaan waqtiga adaga ee lagu jiro maadaama ay Shirkadahaasi ahaayeen kuwa bixiyo canshuurta ay ku waajibisay Dowladda Soomaaliya, Wadankana soo gali jireen dhaqaalo aad u badan.

2) Saameynta dhaqaale ee uu xayiraadda safarka ku yeeshay Shirkadaha Diyaaradaha
Guud ahaan Shirkadaha Diyaaradaha ee caalamka aya waxaa hakad ku yimid duulimaadyadooda ay ugu kala gooshi jireen daafaha caalamka taas oo sababtay in dal kasta uu joojiyay Safarada lagu imaanaya iyo kuwa looga baxaya dalkiisaa si uu uga hortago faafitaanka Caabuqa CoronaVirus (Covid-19).
Shirkadaha diyaardaha ee Soomaalida iyo kuwa dalalka ay shirkadahooda ka howlgalaan Soomaaliya ayaa iyagana sidoo kale ku yeelatay saameyn dhaqaale oo xoog badan maadaama ay Soomaaliya ay tahay goob ay kusoo badanayaan Diyaardaha Caalamiga ah. Sidoo kale waxay dowladu xayiraad saartay isu socodka Gudaha Dalka si loo xakameeyo Caabuqa CoronaVirus (COVID-19).
Isu socodka Duulimaadka gudaha ayaa si xowli ah u socon jiray kahor inta aan dowladdu kusoo rogin xayiraadda iyadoo ay diyaardaha qaar ay tagi jireen dagmooyin fara badan oo dalka ka mid ah. Saameynta dhaqaale ee uu ku yeeshay xayiraadda Duulimaadyada dibadda iyo gudaha ma ah mid lasoo koobi karo taas oo ay micnaheedu tahay in qaasaaro xoog badan uu ku dhacay Shirkadaha Diyaaradaha taas oo ay adagtahay in dhawaan laga soo kabto.

3) Saameynta dhaqaale ay soo wajahday xoogsatada ka shaqeyso Garoomada Dalka
Garoomada Dalka waxaa ka shaqeeyo xoogsato fara badan oo si maalinle ah uga maareyn jiray qoysaskooda ayaa waxaa soo wajahay nolol xumo ay sababtay hakadkii ku yimid Safarada gudaha iyo dibadda maadaama la xiray guud ahaan Garoomaada diyaardaha Dalka.
Xoogsatada ka howlgali jirtay Garoomada dalka ayaa iminka soo wajahday shaqo la’aan iyo duruufo adag kuwaas oo u xoogsi tagi jiray qoysaskooda iyagoo ku masruufi jiray qoysaskooda maalinkasi waxay ka soo xoogsadaan Garoomadaasi ay ka howlgalaan.
Dhamaan qoysaska ku tiirsanaa Garoomada dalka ayaa waxay ahaayeen dad danyar ah oo ay ku adkeyd in ay maareeyaan noloshooda maalinlaha ah. Sidoo kale waxaa Iyana dadkaasi xoogsada ka mid ah ku dhawaad 1000 qof oo maalintii u shaqo tagi jiray xerada xalane iyagoo siyaabo kala duwan uga shaqeysan jiray xeradaasi, dadkaas oo u badan dad xoogsato ah ayaa Iyana laga xanibay in ay gudaha u galaan xarunta xalane maadaama la joojiyay galitaanka xaruntaasi si looga gaashaanto faafitaanka CoronaVirus ((COVID-19).

Www.satta.org.so



Leave a Reply