- June 13, 2020
- Posted by: satta
- Category: News

Mas’uuliyiinta Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxay ka fiirsanayaan inay baajiso xilliga xajka markii ugu horreysay tan iyo markii la aasaasay Boqortooyada 1932, ka dib markii tirada cudurka coronavirus ay kor u dhaaftay 100,000. sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga ayaa u sheegay wargeyska Ingiriiska ee Financial Times.
“Kiiskaan si taxaddar leh ayaa loo darsayaa oo xaalado kaladuwan ayaa la tixgelinayaa. Go’aan rasmi ah ayaa laga soo saari doonaa toddobaad gudihiis.” Sargaalka ayaa sidaa ku yiri Wargeyska.
Xajka, oo loo qorsheeyay dhammaadka bisha Luulyo ee sannadkan, ayaa ah mid ka mid ah tiirarka diimeed ee ugu weyn adduunka, iyada oo in kabadan laba milyan oo xujey ah ay booqanayaan Boqortooyada si ay u gutaan cibaadada Xajka.
Sacuudi Carabiya waxay si aad ah uga fiirsaneysaa dhimista tirada xujaajta imanaya Xajka.
Muhiimadda ay u leedahay Islaamka, Xajka ayaa sidoo kale ah isha weyn ee dakhliga ee Riyadh. “Xogta rasmiga ah waxay muujineysaa Xajka, in Boqortooyada sacuudiga ay kasbato qiyaastii $ 12 bilyan sanadkii,” Reuters ayaa werisay.
Bishii Maarso, maaddaama kiisaska COVID-19 uu bilaabay inuu sii kordho, Sacuudi Carabiya waxay weydiisatay waddamada in ay joojiyaan qorshahooda Xajka iyo Cumrada sanadkaan.
Wakaaladda wararka ee Reuters waxay xustay in qaar ka mid ah saraakiisha Sacuudiga ay ku riixayaan inay baajiso sanadkaan Xajka. Wakaalada wararka ee Reuters ayaa soo xigatay labo sarkaal oo sheegay in Sacuudi Carabiya ay bixin karto ogolaanshaha kaliya “tirooyin kooban” oo xujaajta sanadkan loogu talagalay Xajka, iyadoo xayiraad ay ka mid tahay mamnuucida waayeelka iyo baaritaanno caafimaad oo dheeri ah kusoo kordhineyso.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa soo werisay, “Iyadoo la raacayo nidaamyo adag, ayay mas’uuliyiintu waxay u maleynayaan inay suurta gal tahay in la oggolaado in boqolkiiba 20 waddan kasta loo qoondeeyo.”
Gudiga Haj ee Hindiya ayaa ku dhawaaqay, “Fursada yar ayaa jirta in Haj 2020 dhacdo. Xitaa kuwa aan dalban lacag celinta waxay heli doonaan lacag celin buuxda. ” Celcelis ahaan, qiyaastii 200,000 oo qof oo Hindiya ah ayaa sannad kasta u safra Xajka.
Indooniisiya, oo ah dalka ay ku noolyihiin dadka ugu badan ee Muslimka ah, ayaa baajiyay ka qeyb galka muwaadininteeda ee Xajka, iyadoo xusid mudan “in dowladaha Sucuudi Carabiya ay ku guuldareysteen inay bixiyaan warbixin xaqiiqo ah”. Qiyaastii 220,000 oo qof oo ka soo jeeda Indonesia ayaa ka qeyb qaadan jiray Xajka sannadlaha.
Sido kale Singapore waxay dib u dhigtay ka qeyb galka Xajka.
Go’aanka ah in la baajiyo ama xitaa hoos loo dhigo tiraa Xujeyda ayaa dhabarjab ku noqon doonta Sacuudiga, iyadoo la siinayo qorshaheeda kor loogu qaadayo awoodeeda booqashada dhulka barakeysan ee Sacuudiga.
“Qorshaha dib-u-habeynta xagga dhaqaalaha ah oo dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed bin Salmaan ayaa ujeedadiisu tahay inuu ku kordhiyo tirada Cumrah iyo Xajka 30 milyan oo xujaajta ah sannad kasta isla markaana uu abuuro $ 13.32 bilyan oo dakhli ah marka la gaaro sannadka 2030,” ayay qortay Reuters.
Kala soco arimaha Xajka ee sanadkaan.