Xaflad Affur iyo Casho ah oo lagu soo dhaweynayay Shirkadda Diyaaradda FlexAir ayaa ka dhacday Afrik Hotel ee Magaalada Muqdisho.

Xaflad Affur iyo Casho ah oo lagu soo dhaweynayay Shirkadda Diyaaradda FlexAir ayaa ka dhacday Afrik Hotel ee Magaalada Muqdisho.

Xafladda soo dhaweynta Shirkada Diyaradda FlexAir ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Ururka Midowga Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliyeed (SATTA).

FlexAir ayaa waxay ka shaqeyn doontaa Arimaha Xajka iyo Cumrada sanadkaan, isla markaana Xujeyda Soomaaliyeed geyn doonta Magaalada Jiddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabi.

Gudoomiye ku xigeenka Ururuka SATTA Mudane Maxamed Abuukar Maxamed oo kahadlay Xafladda ayaa soo dhaweeyay Diyaaradda cusub ee FlexAir sheegayna in ay lashaqeyn doonaan, sidoo kale madaxda Shirkadda Diyaaradda FlexAir ayaa balan qaaday in ay bixin doonaan adeegyo casri ah oo ay leedahay Diyaaradda FlexAir.

Ugu dambeyn Shirkadda Diyaaradda Cusub ee FlexAir ayaa qaadi karta in kabadan seddex boqol (300) oo Xujey Soomaaliyeed ah.



Leave a Reply