- April 6, 2019
- Posted by: satta
- Category: News
Waddamada Itoobiya, Shiinaha iyo Indonesia ayaa shaqada ka fadhiisiyey dhammaan diyaaradaha nooca Boeing 737 Max oo ahayd noocii shalay ku burburay dalka Itoobiya.
157 qof oo kasoo kala jeeda 33 waddan ayaa ku dhintay shilkaasi.
Dhinaca kale waxaa soo baxaya in dad dhowr ah oo Soomaali asalkoodu yahay balse watay baasabooro kala duwan ay ku dhinteen diyaaradda.
Waxaa kale oo la xaqiijiyey in dadka dhintay uu ka mid ahaa nin lagu magacaabo Siraaje Xuseen Cabdi oo ku noolaa Gobolka Minnesota kana soo jeeday Gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Alle ha u naxariistee ilaa 7 qof oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen shilkii diyaaradeed ee shalay ka dhacay dalka Itoobiya.
Dadkaan oo intooda badan ku safrayay baasaboorada wadamo kale ayaa waxay u badan yihiin carruur iyo dumar waxaana la helay magacayada dadkaasi.
• Cabdishakuur Maxamed Shahaad oo katirsan Xafiiska R/W Kheyrre
• Siraaji Xuseen Cabdi oo ka soo jeeda dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya
• Sahro Saciid Xasan iyo Wiilkeeda Nasrudiin C/qaadir oo heesta dhalasha UK
• Aamina Ibraahim Odawaa iyo Gabadheeda Safiyo Faysal oo heesta dhalashada Canada
• Axmed Nuur Maxamuud oo ka tirsanaa Shaqaalaha Shirkadda Itoobiya Airline