- April 6, 2019
- Posted by: satta
- Category: News
No Comments
Waxaa la ogeysiinayaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo Ajaanibta ee u safraya Dalka Tukiga iyo wadamada kale ee yurub ee adeegsanaya Duulimaadka Shirkadda Turkish Airlines in ay baaqan doonto duulimaadka qaar ay ku imaan jirtay Magaalada Muqdisho maalmaha ugu horeeya Bisha April.
Shirkadda Turkish Airlines ayaa sababta ku sheegtay in ay la xiriirta ka guurista Garoonka Ataturki ee Ankara una guuri doonaan Garoonka cusub ee Stanbul.
Maalmaha uu baaqan doono duulimaadka Shirkadda Turkish Airlines ayaa kala ah:-
• 06 April 2019
• 07 April 2019
• 08 April 2019
• 09 April 2019
• 11 April 2019
• 13 April 2019
Wixii Faahfaahin ah waxaad kala Soo xiriir kartaa Ururka Midowga Duulimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliyeed (SATTA)
Email: Satta.org.so
Tel:+252616661999 / +252615866608 /+252618862190 /+252617050005
