- April 24, 2019
- Posted by: satta
- Category: News
Guddiga fulinta Ururka Midowga Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliyeed ayaa Maanta kulqn mihiim ah la qaatay Madaxda Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta oo uu hogaaminayo Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Mundane Cusmaan Aadan Dhuubow.
Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta oo ay wehliyaan Lataliyayaasha Wasaaradda, Agaasimaha Arimaha Xajka iyo Cumrada iyo Madaxa Arrimaha Xajka iyo Cumrada iyo Gudiiga Fulinta ee Ururka SATTA oo u Hogaaminayo Gudoomiyaha Ururka SATTA Mudane Cali Axmed Faarax ayaa kulqnkaan waxay ku falanqeeyeen arrimaha xajka ee xamlooyinka sanadkan 2019.
Ururka SATTA ayaa sheegay in Arimaha Xajka ay qibrad dheer u leeyihiin isla markaana kasoo shaqeeyeen xilli ay dowlad ka jirin Dalka, sidoo kale Madaxda Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta iyo Ururka SATTA ayaa si wadajir ah u sheegay in ay qabaan doonaan kulan joogta oo looga hadlaayo Arimaha Xamlooyinka Xajka sanadkaan 2019.
Ugu dambeyn kulankaan ayaa daba socday Munaasabadii shalay ee Ururka SATTA ay ku qabteen Hotel Safaari Munaasabadaas oo lagu soo dhaweynayay Mowqifka Wasaaradda Diinta it Awqaafta ee Xamlooyinka Xajka sanadka 2019.
