- July 27, 2019
- Posted by: satta
- Category: News
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya, Cusmaan Aaden Dhuuboow, ayaa magaalada Madiina Al-munawara ee dalka Sucuudi Carabiya waxa uu sheegay in uu kusoo dhaweeyay qeybo ka mid ah Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan oo halkaas gaaray maalmihii lasoo dhaafay.
Wasiirka oo socdaal indha-indhayn ku jooga dalkaas ayaa soo dhaweynta ay uu u sameeyey xujeydaas waxaa ku wehliyey qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya magaalada Jiddah Ilyaas Sheikh Cumar iyo xubn garoonka diyaaradaha ee Madiina, si ay ula socdaan xujeyda halkaa tagaeysa iyo xaaladahooda guud.
Wasiir Dhuuboow ayaa sheegay in ay wadaan dedaallo la xiriira ka war qabka xaaladda xujeyda iyo fulinta adeegyada ay u baahan yihiin, isagoo sheegay inay labajubaati doonaan mudana uu qaada doono safarkoodu.
Dowladda Federaalka ayaa dhawaan u dirtay dalka Sucuudiga guddi ay u xil saartay saacidaadda iyo la socoshada xujeyda Soomaaliyeed, waxeyna kormeer ku sameynayaan garoomada ay ka degayaan Xujeyda gaaraya dalkaas, sidoo kale waxaa guddigaas loo xilsaaray in ay ka warqabaan qaabka ay acmaasha u gudanayaan xujeyda Soomaaliyeed.