Dayaacadda ku dhacday qeyb kamid ah Xujeyda waa lagula Xisaabtami doonaa Shirkadaha ku lugta lahaa.

Madaxda Ururka Midwoga Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliyeed (SATTA) oo qeyb ka ah Xujeyda sanadkaan ka qeyb qaadaneyso gudashada waajibaadka Xajka ayaa waxay qeyb ka yihiin masuuliyiinta indhaha ku haaya Shirkadaha ku guuleystay Xajka hab-dhaqanka ay kula dhaqmayaan Xujeyda Soomaaliyeed.

Waxaa aad loo dhaliilay qeyb kamid ah Diyaaradaha sanadkaan ka daabulay gudaha Dalka Xujeyda Soomaaliyeed, kuwaas oo ku dayacan gudaha magaalada Makkah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Dhibka ugu badan wuxuu ka dhacay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Madiino, Hoteeladii Makkah ayaa xigay iyo teendhooyinkii oo ciriiriga kabatay iyo Basaska oo qaarkood haleysan oo lasoo kireeyay.

“Cid kasta oo kula kacdo Xujeyda Daryeel xumo waa lagula xisaabtami doonaa marka lagu laabto Dalka”. Ururka SATTA.



Leave a Reply