- October 8, 2019
- Posted by: satta
- Category: News
Shirkadda Diyaaradda Uganda Airlines ayaa sheegtay in ay duulimaadyadeeda kusoo dari doonaan seddex goobood oo kamid ah Gobolka (bariga Afrika), iyada oo meelaha ay gaari doonta kadhigeyso todoba goobood.
Agaasimaha Ganacsiga Shirkadda Uganda Airlines Mudane Jenifer Bamuturaki in bisha October 11-keeda ay daahfuri doonaan duulimaad ay ku tagi doonto Magaalada Bujumbura ee dalka Burundi sidoo kalane u sii duuli doonaan Kilimanjaro, Tanzania iyo Mombasa, Kenya.
Shirkadda ayaa sheegtay in tagitaankeeda Muqdisho iyo Jubba South Sudan ay ka fiicanyihiin dagitaankeeda Nairobi, iyadoo laga fiirinaayo tirada dadka ay ka qaadeyso Wadamadaasi.
Diyaaradda cusub ee Uganda ayaa u duuli doonto Lusaka, Kigali, Zanzibar iyo Johannesburg bisha December ee dhamaadka sanadkaan.
Sidoo kale laba diyaaradood oo ay soo saareyso Shirkadda diyaaradaha sameyso ee French manufacturer Airbus ayaa la filayaa in sanadka dambe loo adeegsan doono duulimaadyada dhaadheer.
Xigasho: East Africa.
