- November 30, 2019
- Posted by: satta
- Category: News
Gudoomiyaha Ururka Wakiilada Duulimaadla iyo Dalxiiska Soomaaliyeed (SATTA), Gudoomiye ku xigeenka Satta Xoghaya Guud ee Ururka Satta iyo madaxda kale ee ururka ayaa maanta xaflad xil wareejin u sameeyay Xogheynta Ururkaasi Mudane Cusmaan Sh Maxamed Axmed (Dalmar) oo ahaa Xogheyntii hore ee Ururka Satta, iyadoo xilka lagu wareejiyay Suheyla Cali Axmed oo noqon doonto Xogheynta Ururkaasi Satta.
Munaasabadda xilwareejinta ayaa waxaa goobjoog ahaa dhamaan madaxda ururka Satta, iyagoo kula dardaarmay in waajibaadkooda shaqo u gutaan sida ay tahay.
Ururka midowga Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliyeed (SATTA) ayaa kaalin weyn ku leh hormarada Duulimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliyeed, isagoo ay ku mideysanyihiin guud ahaan Shirkadaha Duulimaad iyo Dalxiiska Soomaaliyeed.
Ugu dambey howlaha Ururka Midowga Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu wadaa dardargelin cusub oo howsha Ururka dib u habeyn iyo hormarin lagu sameynayaa.




