Soo kabashada iyo Dalxiiska Magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa ku jirto kobac xowli ku socda oo xagga dhismaha iyo nabadgalyada ah kadib markii in muddo ah ay ku jirtay qalalaase iyo nabad galyo xumo, iyadoo ay hada magaalada muqdisho muujineyso in tahay magaalada ugu adkeysiga badan caalamka.

Magaalda muqdisho ayaa martigelin jirtay dagaalo iyo qaraxyo isdaba joog ah iyo in ay kamid aheyd magaalooyinka ugu sumcadda daran caalamka, sidoo kale magaalada ayaa waxay heysaa ku dhawaad dad gaaraya 3 Milyan oo qof waxayna ku muteysatay in ay dadkaasi qaabisho in ay tahay Mudantii Soomaaliyeed (caasimadda Soomaaliya).

Kadib markii ay soo laabatay xasiloonidii magaalada waxaa isi soo taraya dhismayaal aad u qurux badan iyo daaro dhaadheer oo ay hirgalinayaan Shirkadaha ka shaqeeyo dhismaha iyo guryeynta, badanaa dhismayaasha waxaa iska leh Shakhsiyaad gaar ah, ganacsato Soomaaliyeed iyo sidoo kale Hey’adaha Dowladda oo qaarkood dhisanaya xarumahii hore ee ku burburay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xarigga ka jaray taallooyinka Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, SYL, Dhagaxtuur, Xaawo Taako iyo Axmed Gurey oo dhammaantood dib u dhis iyo dayactir lagu sameeyey taariikhdu markay aheyd 18, October, 2019, taas oo muujineyso in magaalada muqdisho ay kasoo kabaneyso colaado daashaday mudo aad u dheer.

Tan iyo markii uu xariga kajaray madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajowaxaa soo badanaya Dalxiisayaal caalami ah oo soo gaaraya magaalada Muqdisho, Dalxiisayaal Ajaanib oo booqasho iyo Dalxiis ku yimid Magaalada Muqdisho ayaa bilaabay in ay ku dalxiisaan Talooyinka Halgamayaashii Soomaaliyeed.

Dalxiisayaasha gudaha ayaa ku dalxiiso magaalda xilliyada fasaxa  iyo maalamaha nasashada todobaadka oo aad ka dareemeyso sida ay u buux dhaafinayaan goobaha dalxiiska sida Xeebaha Liido iyo Jasiira, sidoo kale waxaa xusid mudan in dhalinyaro aad u fara badan ay iyana ku dalxiisaan goobo loo diyaariyay in lagu nasto ama lagu dalxiiso waqtiyada firaaqada oo ay kamid yihiin Beerta Nabadda, Gurya samo iyo Pizza House.

Dalxiisayaal u dhashay dalalka Falastiin iyo Marokko oo  magaalada muqdisho ku joogay dalxiis maalmihii lasoo dhaafay ayaa booqday guri ku yaalo magaalada muqdisho oo lagu xardhay alaabaha hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, dalxiisayaasha ayaa waxaa wehlinayay Agaasimaha Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirizaaq Cabdi.

 

W/Q: Axmed Cali Maxamuud

 



Leave a Reply