Dowlada Soomaaliya oo shaacisay xilliga ay bilaabanayaan duulimaadyada Jigjiga iyo Muqdisho oo toos ah.

Dowlada Soomaaliya oo shaacisay xilliga ay bilaabanayaan duulimaadyada Jigjiga iyo Muqdisho oo toos ah.

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee XSF Maxamed Cadullaahi Salaad(Oomaar) ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdi salaadiin ah oo ka yimid magaalada Jigjia ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Wasiir Omaar ayaa waxa uu shacabka dowlada deegaanka ku amaanay sida ay nabada deegaaandaas u xoojiyeen isagoona tacsi udiray shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho isagoona ooga tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday weerarkii ay Alshabaab ku qaadeen hotel SYL.

Wasiir Omaar ayaa wafdiga u sheegay in dhowaan si toos ah loo bilaabi doono diyaaradaha Muqdisho ilaa Jig jiga toos u aada wuxuuna wasiirka sheegay in dhowr mar arintaas laisku howlay balse ay jireen caqabado yar yar xalinteedana dhowaan lasoo afjari doono oo isla bishaan December ay bilaaban doonaan duulimaadyada Muqdisho ilaa Jigjiga ee tooska ah.



Leave a Reply