Ururka Midowga Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliyeed ayaa la kulmay Wasiirka Ganacsiga ee xukuumadda Federaalka soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha dawladda Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ganacsatada Midowga Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya, kuwaas oo ka wada-hadlay siddii loo xoojin lahaa ganacsiga adeega Duulimaadka iyo Dalxiiska ee dalka.

Kulanka oo Wasiirka ay ku wehelinayeen madax ka tirsan Wasaaradda, ayaa ay ganacsatadu uga mahad-celisay sida wanaagsan ee uu ugu qaabilay xafiiskiisa, waxaana ay ka codsadeen inuu ka caawiyo siddii Soomaaliya dib looggu soo celin lahaa furaha(Koodhka) Tikidhada ee “SO” oo ay bixiso hay’adda duulimaadyada caalamka ee IATO.

Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa isagu na dhankiisa balan-qaadey inuu dedaal badan ku bixin doono siddii loo horumarin lahaa Ganacsiga Duulimaadka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya kana shaqeyn doono siddii loo heli lahaa furaha(koodhka) Tikidhada Soomaaliya isaga oo la kaashan doona hay’adaha dawladda ee arrintani ay khuseyso.



Leave a Reply