Ururka Satta oo la gudoonsiiyay Shahaadada Xubinimada Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed

Guddiga fulinta ee Ururka Midowga Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliyees (SATTA) ayaa maanta la gudoonsiiyay Shahaadada ugu sareysa ee Xubinimada Board-ka ee Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo xubno ka tursan Rugta ayaa waxay ku soo dhaweeyeen Xarunta Rugta Ganacsiga guddiga fulinta ee Ururka SATTA, ayagoo kawada hadlay sidii loo hormarin lahaa arimaha Safarka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo ay wakiil buuxda ka yahay Ururka SATTA dhamaan Shirkadaha Duulimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliya.

Ugu dambeyn mas’uuliyiinta kasoo qeybgalay kulanka ayaa isku afgartay in la xoojiyo wadashaqeynta iyo hormarinta Ganacsiga la xiriira Duulimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliya.



Leave a Reply