Isbarbardhigga qiimaha Xajka ee deegaanada Soomaalida dagto ee sanadkii lasoo dhaafay

Isbarbardhigga qiimaha Xajka ee deegaanada Soomaalida dagto ee sanadkii lasoo dhaafay

1. Jabuuti: Xujayda reer Jabuuti ayaa xajka ku taga lacag gaaraysa 2,500 oo dollar oo ay ku jiraan waxyaabaha uu xaajigu u baahan yahay inta uu gudanayo acmaasha xajka, sida cuntadiisa, halka uu dagi lahaa iyo neefkii uu qali laha.

2. Kenya : Qiimaha ay Xajka ku aadaan Muslimiinta kunool dalka Kenya oo ay ku jiraan Soomaalidu ayaa ah 3,000 oo dollar, waxaana qiimahaas kujira dhammaan waxyaabaha ay u baahan yihiin xujaydu, marka laga reebo xaqul jeebka.

3. Itoobiya: dadka Xajka ka aada dalka Itoobiya oo Soomaalidu ay ku jirto ayaa waxaa laga qaadaa lacag gaaraysa 3,500 oo doollar, waxayna lacagtaas ku baxdaa arrimaha socdaalka, hoteellada iyo gadiidka halka aanay ku jirin cuntada qofka xaajiga ah.

Xujayda qaar ayaa marka ay xajka tagaan waxaa la dajiyaa teendhooyin halka kuwo kalena la dajiyo huteello, arrintaas ayay xujayda qaarkood sheegeen in ay ku xiran tahay sharikadaha diyaaradaha oo arrintaas ku kala duwan.

4. Soomaaliya : Dawladda Soomaaliya ayaa qiimaha lagu tago Xajka u jaan goysay in uu noqdo 3,300 oo dollar kadib markii ay cabasho katimid xujayda oo sheegay in laga qaado lacago xad dhaaf ah, taas oo keentay in sanadkii tagay (2019) in Dowladdu jaangoyso qiimaha lagu tagayo Xajka.



Leave a Reply