Diyaaradda Turkish Airlines ayaa sheegtay in ay bilaabeyso Duulimaadyada qaar

Diyaaradda Turkish Airlines ayaa sheegtay in bisha soo socota ee June ay dib u billaabi doonto qaar ka mid duulimaadyadeeda Caalamiga iyo Gudaha.

Sida lagu sheegay war ku qoron wakaaladda wararka Turkiga Anadolu, diyaaradaa ayaa bisha June sameyn doonta duulimaadyo ay ku tageyso 19dal oo ay ka mid yihiin, Canada, South Korea, Singapore, Germany, Norway iyo qaar kale.

Turkish Airline ayaa sidoo kale sheegtay in duulimaadyada gudaha Turkiga ay shirkaddu ku billaabi doonto 60% bisha soo socota ee June.

Shirkadda ayaa hore u joojisay dhammaan duulimaadyadeeda gudaha iyo dibadda illaa iyo 28 bishan May, sababo la xiriira cudurka faafa ee Covid19.

Wakaaladda wararka Andolu, Turky



Leave a Reply