Shirkadda duullimaadka qaranka ee Columbia, Avianca, ayaa u gudbisay dacwad Maxkamad Mareykan ah si aysan u musalafin

Shirkadda duullimaadka qaranka ee Columbia, Avianca, ayaa u gudbisay dacwad Maxkamad Mareykan ah si aysan u musalafin.

Diyaaradda ayaa ah tan labaad ee ugu weyn Latin America, laakiin howlaheeda duulimaad ayaa la dejiyay ilaa iyo bishii Maarso sababo la xiriira coronavirus COVID-19.

Waxay sheegtay in ay masiibo ku dhacday in kabadan 80% dakhligooda, ayna la dhibtoonayso dakhli la’aan.

Haddii ay ku guuldareysato inay ka soo baxdo musalifnimada, Avianca waxay noqon doontaa diyaaraddii ugu weyneyd ee ugu horreysay oo ay ku dhacdo Musalafnimo ama musiibo burbur.

Bayaan ay soo saartay, shirkaddu waxay ku sheegtay inay dacwad u gudbisay cutubka 11aad ee ilaalinta musalofnimada Shirkadaha Maxkamad ku taal New York.

Madaxa fulinta Anko van der Werff ayaa sheegay in talaabadan loo baahday kadib markii ay soo baxday diyaarado New York ka diiwaangashan “diyaarad ka wanaagsan, kana hufan oo shaqeynaysa sanado badan”.

In ka badan 140 ka mid ah diyaaradaheeda ayaa la dejiyay tan iyo markii madaxweynaha Colombia Ivan Duque uu xirey hawadii wadankiisa ee bishii Maarso. Inta badan shaqaalaheeda oo gaaraya 20,000 ayaa la saaray fasax aan mushaar lahayn.

Diyaaradda Avianca waa diyaaradda labaad ee ugu safarka dheer ee isaga gudubta qaaradaha aduunka.

Waxay horey ugu diiwaangashan inay kacdo ama musalifto horaantii 2000, waxaana lagu badbaadiyay heshiis ay la galeen nin u dhashay Wadanka Bolivia oo leh shirkad saliida German Efromovich. Shirkadda duulista ayaa si dhakhso leh ugu kortay hoos imaatinka Ninkaasi Bolivianka ah.

Cudurka faafa ee coronavirus ayaa dhabar jab weyn ku ah warshadaha duulista hawada, maadaama dowladaha ay ku soo rogeen xayiraad dhanka safarka ah iyo tilaabooyin xiritaan ah.

Safarka hawada ayaa hoos u dhacay 90%, sida laga soo xigtay Ururka Duulista Hawada Caalamiga (IATA). Waxaa la saadaaliyay in shirkadaha diyaaradaha ee Latin America ay waayi doonaan $ 15 Bilyan dakhliyada sanadkan – hoos udhaca ugu weyn ee taariikhda warshadaha Duulimaadka ayaa lagu diiwaangelin doonaa.



Leave a Reply