Madaxweynaha Turkiga oo ka hadlay qaadista xayiraadaha Dalkiisa

Turkiga ayaa xayiraadda ka qaadi doona isu socodka Magaalooyinkiisa wuxuuna u oggolaanayaa maqaayadaha, kafateeriyada, beeraha nasashada iyo xarumaha isboortiga inay dib u furmaan laga bilaabo 1da Juun, maadaama la fududeynayo xayiraadaha la soo rogay ee lagu xakameynayo cudurka Coronavirus, ayuu yiri Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan.

Isagoo ka hadlaya shirkii todobaadlaha ee golaha wasiirada, Erdoğan wuxuu shaaca ka qaaday faahfaahinta talaabooyinka cusub ee Turkiga ee ku aaddan xaaladaha caadiga ah.

1-da Juun iyo wixii ka dambeeya Turkiga wuxuu qaadi doonaa xayiraadaha safarka ee u dhexeeya gobollada, shaqaalaha rayidka ah waxay ku laaban doonaan shaqadooda caadiga ah, ayuu yiri Erdoğan.

Makhaayadaha, kafateeriyada, xeebaha, jardiinooyinka, koorsooyinka wadista gawaarida, matxafyada, tas-hiilaadka isboortiga, xarumaha xanaano-maalmeedka ayaa sidoo kale dib loo furi doonaa isla maalintaas, ayuu yiri.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu intaa ku daray in la xakameyn doono xaddidaadaha qaar ee dhaqdhaqaaqa dadka.

Sidaas awgeed, xannibaado xadidan ayaa ku sii jiraya dhaqdhaqaaqa dadka ka weyn da’da 65 iyo kana yar da’da 18.

Fayraska waxaa ku dhintey in kabadan 4,300 oo qof gudaha turkiga waxaana uu ku dhacay​​160,000 oo qof.

“Sida ku xusan nidaamka cusub ee caadiga ah, yaannaan iska indho tirin waji-xidhka, kala fogaanshaha bulshada iyo nadaafadda,” ayuu Erdogan ku yidhi khudbad uu telefishanka ka sheegay.

Horraantii bishii Abriil, Turkigu wuxuu joojiyay socdaalkii u dhexeeyey 31 magaalo, oo ay ku jirto Istanbul, oo laga reebay marinka la maro iyo sahayda daruuriga ah. Waxay markii dambe yareysay xayiraadaha 15 magaalo laakiin waxay dhamaan doonaan 1-da Juun.

Talaabooyinka kale ee fududeynta, Turkiga wuxuu bilaabay in ay shaqeeyaan tareenada isaga gudbo Magaalooyinka Maalinimada khamiista kadib laba bilood oo ay xayirnaayeen sidoo kale Masaajidadana waxay bilaabeen in ay ku tukadaan salaadda 29ka May.

SATTA



Leave a Reply