Munaasabad lagu soo dhaweynayay oo lagu qabtay Decale Hotel ee Garoonka Aadan Cadde

Munaasabad lagu soo dhaweynayay Ansixinta Sharciga Duulista Rayidka iyo Magacaabista Maareeyaha Hey’adda Duulista Rayid Mudane Axmed Macalin ayaa maanta lagu qabtay Decale Hotel ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeybgalay Ma’uuliyiinta Wasaaradda Gaadiidka, Maareeyaha Hey’adda Duulista Rayidka, xildhibaano, Maamulka Garoonka Aadan Cabdulle,Favoiri, Ururka SATTA, Guddiga Diyaaradaha, Turkish Airline iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Hey’adaha dowladda.

Madaxda munaasabadda ka hadlay ayaa sheegeen in aad loogu baahnaa sharcigaan iyadoo ay xusid mudantahay in shirkadaha diyaaradaha Soomaaliyeed ay ruqsad ka dalban jireen wadamada shisheeye maadaama dalkeenu uusan horay u laheyn sharci lagu hago nidaamka duulista rayidka. Sidoo kale Maareeyaha uu maanta Magaacabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa aad loo soo dhaweeyay magacaabistiisa, Maareeyaha ayaa mudo ku dhaw 31 sano u leh khibradda duulista rayidka iyo Maamulka garoomada, Axmed Macalin ayaa horay u ahaa ku xigeenka Maareeyaha Hey’adda Duulista Rayidka.

Gudoomiyaha Ururka SATTA Mudane Cali Axmed Faarax oo ka hadlay Munaasabadda ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay XFS uu hogaamiyo Raisul wasaaraha Mudane Xasan Cali Kheyre iyo golihiisa wasiirada kaalinta ay ka qaateen in sharcigaan la ansixiyo, Gudoomiyaha SATTA ayaa sidoo kale soo dhaweeyay Magacaabista Maareeyaha Hey’adda Duulista rayidka.

Gudoomiyaha Ururka Midowga Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliyeed (SATTA) Mudane Cali Axmed Faarax ayaa Wasiirka Gaadiidka iyo duulista rayidka iyo Maareeyaha Hey’adda duulista rayidka ka codsaday in Soomaaliya ay soo ceshato kaalinteeda IATA si ay uga baxaan shirkadaha Soomaaliyeed ee safarka in ay Ticket-yada kasii jartaan User ay leeyihiin wadamo kale isagoo sheegay in loogana fadhiyo Mas’uuliyiinta wasaaradda iyo Hey’addaba in ay soo celiyaan User-ka Soomaaliya ee IATA.

SATTA



Leave a Reply