Wakaaladaha safarka Kenya waxay qaataan siyaasad aan deyn lahayn

Wakaaladaha safarka Kenya waxay qaataan siyaasad aan deyn lahayn inta ay ku jiraan kasoo-kabashada CoronaVirus-ka.

Wakiillada safarka iyo duulimaadka ee dalka Kenya ayaa faray xubnahooda inay joojiyaan u fidinta xarumaha macaamiisha tas-hiilaadkooda, iyaga oo ku sababeeyay qulqulka lacagta oo liidata darteed, ka dib faafitaanka Covid-19.

Tallaabadan ay qaaday Ururka Kenya ee Wakiilada Safarka ayaa lagu wadaa inay saameyn ku yeelato shirkadaha, hay’adaha gobolka, hay’adaha aan dawliga ahayn iyo ganacsatada kuwaas oo diiwaangeliya Ticket-kooda safarka laakiin ku bixiya lacagta waqti dheer ama nidaamka deynta.

Madaxa fulinta Agnes Mucuha ayaa sheegay in arintaani ay dhaqan galineyso dib u bilaabida safarka duulista ayna hubin doonto in ganacsiyadu Safarka ay la macaamilaan macaamiisha lacagta siisa oo kaliya si ay usii hawlgalaan.

Dhammaan wakiillada safarka waxaa si xun u saameeyey faafitaanka Covid-19. Ma aysan ganacsaneyn, waxayna ku shaqeynayeen lacag qasaaro ah iyo iib eber ah sedaxdii bilood ee la soo dhaafay, “ayay yiri.

Xiritaanka hawada 26-kii Maarso, ayaa horseeday in la hakiyo duullimaadyadii iyada oo musaafiriintuna kansali jireen diiwaan-galinta ticket-yadooda.

Shirkadaha safarka waxay amaahdu ka maqnaanesay 15-60 maalmood ugu badnaan iyo heshiisyada ganacsiga ay kala saxiixdeen, halka macaamiisha kale la siinayay ikhtiyaar ah inay ku bixiyaan kaararka lacagta, wareejinta Bangiga, lacagta Mobile-ada, Jeegagga iyo lacag cadaan ah.

Ms Mucuha ayaa tiri “Ganacsadaha wakiilka safarka ah wax lacag cadaan ah ma heysto waxayna ku raad joogaan ururinta deynta hay’adaha dowladda, shirkadaha, NGO-yada iyo safaaradaha uga maqan.



Leave a Reply