- September 21, 2020
- Posted by: satta
- Category: News
No Comments

Waxaa xalay munaasabadii lagu xusayay maalinka Dalxiiska Soomaaliya Shahaado Sharaf lagu gudoonsiiyay Ururka SATTA, taas uu ku muteystay dowrkii uu ka qaatay hormarinta Dalxiiska Soomaaliya.
Xoghayaha Guud ee Ururka SATTA ayaa u gudoomay Shahaada Sharaftaas.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Md, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa goobta ka xusay kaalinta Ururka Midowga Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliya (SATTA) uu ku lahaa soo celinta dalxiiska Soomaaliya isagoo wasiirka uga mahadceliyay Ururka howshaa ay isu xil saareen.
Maalinka Dalxiiska Soomaaliya
SATTA