Xuska maalinta dalxiiska soomaaliya oo ku beegnayd 13 September ayaa lagu qabtay wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska.

Xuska maalinta dalxiiska soomaaliya ayaa lagu qabtay waasarada warfafinta soomaliya Madaxda Wasaaradda Warfaafinta iyo xubno ka socday Hey’ado ayaa ka qeybgalay Xaflad lagu maamuusayay xuska maalinta Dalxiiska soomaliya oo shalay ka dhacday Magaalada Muqdisho.
Xuskaan oo sanadiiba la qabto 13-ka September,waxaa ka qeybgalay Wasiir ku xigeenka Wasaardda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska c/rahmaan sheeikh uusuf cadaala , iyo agaasimaha guud ee wasarada iyo xubno ka socday Ururka Midowga Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliyeed (SATTA).

Xaflada waxaa soo qaban qaabiyay wasaarada iyo satta, waxaana ka soo qeyb galay, wasaarada, gobolka banaair, xildhibaano, gudiga midowga diyaaradaha soonaaliyeed, qaar kamid ah bangiyada, iyo goobaha dalxiiska, halkaas oo satta lagu gudoonsiiyay shahaado sharaf.



Leave a Reply