Diyaarada Korean Air ayaa Shil ku Gashay dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan ee Filibiin,

Diyaarad ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha ee Korean Air Lines Co Ltd (003490.KS) oo ay saarnaayeen 173 qof ayaa goor dambe oo Axad ah ku xad-ka kabaxday dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan ee garoonka caalamiga ah ee Cebu ee dalka Filibiin, shirkadda ayaa sheegtay in aysan jirin wax dhaawac ah oo soo gaaray, dhammaan rakaabkiina ay si nabad ah u daad gureeyeen.

Diyaarada Airbus SE (AIR.PA) A330 oo ka soo duushay Seoul kuna socotay Cebu ayaa laba jeer isku dayay in ay ku degto cimilo liidata ka hor inta ayna dhaafin dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan isku daygii saddexaad ee saacadu markay ahayd 23:07 (1507 GMT). Korean Air ayaa bayaan ay soo saartay maanta oo isniin ahIsniintii.

Rakaabkii ayaa loo galbiyay saddex hoteel oo maxalli ah, waxaana loo diyaarinayaa duullimaad kale,” ayay shirkaddu ka sheegtay duulimaadka KE361. “Waxaan hadda aqoonsanaynaa sababta shilkan keentay.” Muuqaal laga soo duubay goobta oo ay xaqiijisay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa muujinaya burbur baahsan oo soo gaaray diyaaradda. diyaarada Qalabkii ay ku degi lahaa ayaa u muuqday mid dumay. Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Keehong Woo ayaa raaligelin ka bixiyay website-ka shirkadda, isagoo sheegay in baaritaan dhab ah ay sameyn doonaan maamulada Philippine iyo Kuuriyada Koonfureed si loo ogaado sababta.



Leave a Reply